Animation

SAWIRO: Ergay ka socda Madaxwayne Xasan Shiikh oo warqad uu siday gaarsiiyey dowlada Cumaan

no responses
Thursday October 29, 2015 - 3:58 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

 

Ergayga oo lagu magacaabo Mudane/Daa’uud Maxamed Cumar oo ah lataliyaha madaxwaynaha arrimaha khayraadka dabiiciga ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey mudane/Ibraahim Raage Maxamed.
Ergayga ayaa siday warqad ka socota Madaxwaynaha JFS kuna socota Suldaanka Saladana Cumaan, waxaa gagida diyaaradaha ee magaalada MASQAD ku soo dhaweeyey agaasinka hab-maamuuska ee W.A.D. dalka Cumaan iyo Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaliya ee dalka Cumaan oo uu hoggaaminayo:
1. Safiirka JFS ee dalka Cumaan mudane/Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano)
2. Ku-xigeenka Safiirka Mudane/Cumar Sh. Maxamed
3. Lataliyaha arrimaha qunsuliyadda Marwo/Xamiisa C/qaadir Isbariije
4. Xoghayaha labaad ee safaaradda mudane/Raage Omar Osman.
Intaa kadib, isla shalayba waxaa wafdiga qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Cumaan mudane/yuusuf bin Calawi kaas oo ka guddoomay warqadda madaxwayna, kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Safiirka JFS u fadhiya Cumaan Abdirisak Taano ayaa waxaa lagu lafa-guray xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya laba dal iyo sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa arrimaha gobolka.
Wadahadalka oo jawi wanaagsan ku soo dhamaaday ayaa waxaa lagu gabagabeeyey in labada dal joogteeyaan booqashayooyinka rasmiga ah.

IMG-20151029-WA0008 IMG-20151029-WA0007IMG-20151029-WA0008 IMG-20151029-WA0006IMG-20151029-WA0005IMG-20151029-WA0004IMG-20151029-WA0003IMG-20151029-WA0002IMG-20151029-WA0000

 

Facebook Comments