Animation

SAWIRO: Dooni uraran Ganacsato Soomaaliyeed oo Qarka usaaran in ay ku degto Xeebaha.

no responses
Thursday December 7, 2017 - 12:28 under Maqaalo iyo Warar by gurey
mqdefault
Spread the love

Dooni u raran Ganacsatada magaalada Boosaaso, ayaa ku dagi rabta Xeebaha dalka Cumaan, ka dib markii ay dabeyl ku dhufatay Doonta.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Cumaan, ayaa wada dadaalo, waxay ku xireen Xargo, waxaana ay u jiidayaan dhinaca Bariga si ay u badbaadiyaan Doonta iyo Alaabta Saaran.

Doonta ayaa horay uga soo shiraacatay wadanka Imaaraatka Carabta, waxaana ay kusi jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Lama yaqaan sida xaalada Doontu ay ku dambayn doonto, hasa yeeshe 48-saac ah ayay xaaladan ku sugan tahay Doontu oo ay u muuqanaysa mid aan dagin, isla markaana aan caadi ahayn.

 

Facebook Comments