SAWIRO: Dab ka kacay Degmada Guriceel ee Deegaanada Galmudug.

0

Wararka laga helayo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow kaalin shidaal oo ku taalla degmadaas uu ka kacay dab khasaaro geystay.

Dabka oo kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale oo lagu Magacaabo shirkadda Beder ayaa markii hore ka bilaawday Kaalin Shidaal oo shirkaddu leedahay, iyada oo uu kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale, sida Carwooyin iyo kuwo kale.

Dad ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegay in Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay ku howlan yihiin deminta dabkaas,isla markaana Gurmad ay sameynayaan.

Dabka ayaa khasaaro farabadan oo hantiyadeed geystay, iyada oo goobo Ganacsi ay leedahay shirkadda Beder uu ku faafay, waxaana socda gurmad dabkaasi lagu deminayo.