Somali News

SAWIRO: Ciidamo Yugaandhiis ah oo lootabaraayo dhanka Badda si ay Burcad badeeda iyo Al Shabaab

Tababarayaal Milliteri oo ka socda dalka Britain ayaa waxay Ciiddanka Uganda u tababarayaan sida looga dul dagaalamo Doonyaha, iyadoo Ciiddamadaasi loo diyaarinayo inay ka qeyb galaan La-dagaalanka Alshabaab.

8 Khabiir Milliteri oo ka socda Ciiddanka Badda ee Boqortooyadda Britain ayaa waxay Ciiddankaasi tababaro ku siinayaan in ka badan hal bil Xeebta Harada Lake Victoria ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda, maadaama uusan dalkaasi lahayn Bad.

Dhinaca kale, Tababarka ay Khubrada UK siinayaan Ciiddanka Uganda waxaa qeyb ka ah Badbaadinta Aadanaha, Arrimaha Jinsiga, La-macaamilka Dhibanayaasha la tahriibiyo, Addoonsiga iyo Tacadiyadda kale.

Si kastaba ha ahaatee, Uganda waxaa Somalia ka joogta ilaa 5,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee tiradooda guud dhan tahay  20,000 oo Askari.

          

Related posts

TOP NEWS: SAWIRRO: Dekedda Muqdisho oo Markii ugu Horeysay Yeelaneysa terminal cusub Muxuuse ku soo kordhin doona Howlaha Dekedda

Tifaftiraha K24

Wasiir Canshuur” Farsamada casriga ah ee Teknolojiyada waa in loo adeegsadaa howlaha maaliyadda”

Tifaftiraha K24

Daawo: C/wali gaas oo ku wareegaya wadamada qaaradda yurub muxuuse ugu laaban la’yahay puntland?

Tifaftiraha K24