Somali News

SAWIRO: Baarlamaanka Jubbaland Oo Meel Mariyey Xeerka Biyaha Maamulkaasi…..

Mudanayaasha Barlamaanka Jubbaland oo maanta yeeshay Kal Fadhiga 4-aad fadhigisii 67-aad ayaa dood adag ka yeeshay xeerka Biyaha Jubbaland,43 Mudane ayaa soo xaadirtay kalfadhigan,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jubbaland.

Dood dheer ka dib Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ansixiyay Xeerka Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland taas oo horey loo soo mariyay Golaha Wasiirada Jubbaland.

Markii uu soo idlaaday Fadhiga Baarlamanka Jubbaland ayaa Waxaa Warbaahinta u sharaxay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Habdhowrka Barlamaanka Jubbaland Axmed Iftiin Maxamed isagoona cadeeyay in si toos ah loo ansixiyay xeerka Biyaha Jubbaland.

Related posts

Dhageyso: Gabar Soomaaliyeed oo arin ku dayasho mudan sameysey,kadib markii…..

admin

Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb oo kahadlay Rasaas Xalay lagu furay Hoyga Shiikh Shaakir.

admin

Dhageyso : Wareysi Gaar ah oo uu Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil siiyay Shabakadda Kismaayo24.

admin