Animation

SAWIRO: Axmed Jaamac Fidhbool oo Geneva loogu dhaariyey xildhibaanimo.

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 10:57 under Somali News by admin

GENEVA:- Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, waxaa maanta oo ay Taariikh-du eheed 10.11.2015 ka dhacday Munsaabad dhaar ah oo xilka XIldhibaanimo ee Magaalada Geneva loogu dhaarinayay Axmed Jaaamc Fidhbool,Waxaa maanta oo taariikhdu tahay u dhaartay

Axmed Jaamac Fidhool oo ah muwaadin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa xilkan ku guuleystay in mar Labaad loo doorto wuxuuna hore xildhibaan u soo ahaa shantii sano ee la soo dhaafay haatane , wuxu kursigan ku fadhin doonaa 5 sano ee soo socoto.

Inkastoo ay aad u adagtahay siyaasada dalka Switzerland, oo lagu tilmaamo dal  siyaasad ahaan xir xiran hadane  Xildhibaan Axmed Jamac Fidhbool waxa uu ku guuleystay in uu kasbado taageerada shacuubta kala duwan ee u dhashay ama degan Switzerland kadib markii uu sameeyay isdhex gal balaaran.

Hadaba Maalmahan soo socdo waxaan idiin soo gudbin doono wareysi gaar ah oo aan Xildhibaanka la yeelan doono Taariikh nololeedkiisa dhanka siyaasada.
Xildhibaanka ayaa waxaa loogu Hambalyeynaya guursha iyo sumcada uu u soo hoyay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland.

Waa Markii ugu horeysay Taariikh-da Switzerland in   muwaadin ka soo jeedo Soomaaliya uu xildhibaan ka noqdo Baarlamaanka Geneva.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA DHAARTA EE MAANTA

73ee9b3bde000616e6c8c9572576f5ad9dbeded30d98655989990220cb86ffb0 12235040_10208220160488668_6628998119480490732_n 12239883_10208220160048657_4640161346604751969_n 12243312_10208220159968655_5312745355526082998_n

logokis2