Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

SAWIRO: Amiir Sucuudiyaan oo Xorriyaddiisa ku iibsaday lacag ka badan Hal bilyan oo Doolar…

Amiirkii ugu horeeyay ayaa xabsiga laga sii daayey dalka Sacuudiga kadib markii lacag fara badan looga qaatay si uu xoriyadiisa dib ugu helo.

Dhowr qof oo ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo isugu jira amiirro iyo saraakiil sare oo kal hore bishan lagu soo qabqabtay hawlgal ka dhan ah musuqmaasuq ayaa hadda xabsiga laga sii daayay.

Qofka ugu magaca weyn dadka hadda xabsiga laga sii daayay ayaa ah amiir lagu magacaabo Miteb oo labo usbuuc ka hor markii la soo qabanayay laga xayuubiyay xilka madaxa ilaalada qaranka.

Warka ku saabsan sii deyntiisa ayaa lagu ogaaday qoraallo ay barta Twitterka soo dhigeen qaar ka mid ah xubnaha qoyska reer boqor.

Xarigga Miteb oo tan iyo afartii bishan lagu hayay hoteelka weyn ee Ritz Carlton ayaa ahaa mid ka fajaciyay dad badan maadaama uu ahaa madaxa ilaalada qaranka, xilkaasi oo ahaa xil aad muhiim ugu ah amniga boqortooyada.

Waxaa sidoo kale loo arkayay in uu noqon doono boqorka mustaqbalka ee dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan dalka Sucuudiga ayaa sheegay in amiirkani uu ogolaaday in uu bixiyo lacag ka badan hal bilyan oo doolar si uu xorriyaddiisa uu dib u helo.

Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegayaa in xabsiga laga sii daayay.

Dhammaan shakhsiyaadkani ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq kala geddisan oo qaarkood la sheegay in la geystay tobanaan sano ka hor.

Related posts

Dhageyso: Nuxurka Hadalkii uu ka jeediyay Cabdi wali Gaas Furitaanka Kalfadhiga 37-aad ee Baarlamaanka Puntland+Sawirro

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Wasiirka Amniga Puntland oo lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso+ Cida ka dambeysa dhaawaca wasiirka

admin

Update: Waxbadan ka Ogow Socdaalka Wafdi Isugu jira Wasiiro, Xildhibaan, iyo Saraakiil Amisom ka socda oo Goordhaw Gaaray Dagmada….

Tifaftiraha K24