Somali News Top News Xulashada K24

SAWIRO: 24-sano kadib Safaaradii Soomaaliya ee Mareykanka oo dib loo furay

Muddo 20 sano kadib waxaa dib loo furay  safaarada dowlada Soomaaliya ay ku laheyd dalka Mareykanka kadib xaflad furitaan ah oo ka dhacday dalkaasi.

Safiirka dowlada Soomaaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dib u firtaanka safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka muddo ka badan 20 kadib.

Safiirka ayaa sheegay in dib u furitaanka safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka ay calaamad u tahay horumarka iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.

Tani, ayaa la rajeynayaa in albaab cusub u furto xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, oo gaabis xoogan uu ku yimid, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe Somaliya.

Sanadihii ugu dambeeyay, ayay Somaliya dadaal ugu jirtay sidii ay u soo celin laheyd Safaaradaheeda Wadamada Caalamka, oo saamayn uu ku yeeshay waqtigii adkaa ee Somaliya.

Safaarad Safaarad1 Safaarad3 Safaarad21 timthumb

Related posts

DEG DEG: Mudane ka Tirsan Baarlamanka Federaalka oo Caawa Hooygiisa Weerar lagu qaaday iyo qasaaraha ka dhashay oo la sheegay in…

admin

(SAWIRRO) Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Dhaqdhaqaaq Ciidan ka wada Baay & Bakool.

Sakariye Sakariye

Lanta Afka Somaliga ee BBC oo yeelatay Tifaatire Cusub

admin