Animation

Sawirada: Kulan looga hadlayay Amaanka Guud Ee dalka oo Muqdisho lagu qabtay Arrimo Xasaasi Ah.

no responses
Sunday September 24, 2017 - 11:02 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan looga arinsanayay sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee dalka, waxaana kulankan ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo diblumaasiyiin kala duwan.

Kulankan Waxaa si wadajir ah u shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane MAxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya.

Kulankan looga hadlayay amaanka dalka waxaa lagu casuumay kana soo qeyb galay Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka socotay maamul goboleedyada dalka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey waxaa kamid ahaa dhaqan gelinta qodobadiid la xiriira dhanka amniga Dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo baxay shirkii Lodon dhawaan ka dhacay.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda ,kuwaasi oo ujeedkoodi ahaa sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah,islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii Ammaanka Dalka ay uga la wareegi lahaayeen Amisom.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaan wali u muuqan kuwa u diyaarsan xiligan in la wareegaan guud ahaan amaanka dalka , waxa ayna dowlada Soomaaliya marar badan sheegtay in la diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo bedela kuwa AMISOM ee dalka jooga.