Breaking News English News Maqaalo iyo Warar Top News Xulashada K24

Sawiiro: Wasiirka Difaaca Qaranka Ayaa Maxaabiis ku Booqday Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed Amardanbe oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Ee Dowladda Somaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Waxay kormeer ku Tageen Xarumo Dhowr ah oo u yaala Magaalada Garoowe Ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Somaaliyeed Ee puntland Waxaana Qeyb ka ahaa xarumah ay Booqdeen Xabsiga Garowe oo ay ku jiraan Tiro Maxaabiis ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Xasan Cali Maxed Amardambe iyo Wasiirka Cadaaladda Somaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Waxay ka Xogwareysteen Xaaladda Nololeed ee Maxaabiista Taliska Ciidanka Asluubta Ee Puntland .

intaas ka dib waxay Booqdeen Masuuliyiintan Xarunta Jaamacadda puntland State University waxaana ay kormeereen Qeybaha ay ka koobantahay jaamacadda iyo maktamabada Jaamacadaasi Waxaan aay boogaadiyeen Maamulka iyo macalimiinta jaamacadda .

 

Masuuliyiintan ayaa Sidoo kale waxay booqdeen Xarun lagu Baaro Gabood falka ka dhanka ah Dumarka oo ku Taala maagaalada Garoowe Taas oo ah Xarunta kaliya Ee lagu Baaro kiisaska Kufsiga Waxaana ay sheegeen Maamulka Xaruntaas in ay tahay Xarunta kaliya ee awood u leh in lagu baaro ” Dhacaanka iyo Jinsiga Nuuca uu yahay ”

 

Wasiirka Gaanaashigga Somaliya ayaa Sidoo kale kulamo Gaar gaar ah kula qaatay madaxtoooyada puntlnad Sarkiisha iyo Hogaanka Ciidamada puntland waxayna ka wada hadleen Sidii Loo Xoogin lahaa Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Related posts

XOG: Axmad madoobe oo heshiis la galay shirkad ajnabi ah oo dhoofineysa dhuxusha meeqa lacag ah ayuu hormaris uga qaatay??

Tifaftiraha K24

Dhagayso+Sawiro:- Ugaas ciise iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Qardho

admin

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shir weyne ka dhacaya Dalka Hindiya

Ahmed sudani