Somali News

Taliyaha CXD oo Amar adag Dul dhigay Ciidamada Xooga Dalka+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Max’ed Aadan Axmed, ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda iidul- Fitriga u diray dhamaan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed iyo xaasaskooda.

Taliyaha oo ka hadlayay qalabka warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu wali halkiisii yahay, loogana baahan yahay ciidamadu inay saacad walba indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Cadawga dalka, dadka iyo diinta.

Sareeye Gaas Max’ed Aaadan Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” waxaan farayaa dhammaan Ciidamada xoogga dalka inay ka feejignaadaan Argagaxisada arxanka daran ee ujeedkoodu yahay in ay sumacadda ka dilaan diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah ee aaminsan.

Dhanka kale taliyaha xoogga dalka soomaaliyeed wuxuu xusay weerarkii ay argagixisadu dhawaan ku qaadeen Masjidka Nabigeenna Muxamed NNKH,arinkaasi oo tilmaan cad u ah Cadawnimada kooxahaasi uhayaan islaamka.

Ugu danbayntii taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu u rajeeyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida in ay Ciidaan teeda kale ku gaaraan Nabad iyo horumar.

DSCN1191 DSCN1196 DSCN1200 DSCN1202

Related posts

DEG DEG: Xaaladda magaalada jowhar oo kacsan iyo banaanbax looga soo horjeedo wasiirka arimaha gudaha oo magaalada ruxay+Sawirro

Tifaftiraha K24

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan lagu heshiisinayay oo Muqdisho ka furmay

admin

Faaqidaad: Farmaajo faa’iido iyo qasaaro maxaa ugu jira go’aanka uu ka qaatay khilaafka sacuudiga iyo qatar?

Tifaftiraha K24