Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Saraakiil sare oo ka tirsan Booliska oo Xabsiga loo taxaabay Kadib markii lagu helay…

Saraakiil iyo Ciidamo gaaraya 28 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa u xiran eeda ah Musuq,sida uu sheegay taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi.

Saraakiisha iyo ciidamada loo xiray musuqa ayaa waxaa kiiska musuqa kusoo oogay taliska Booliska, iyadoo markii danbe kiiskooda ay la wareegtay Waaxda dambi-baarista qeybta Booliska.

Taliye ku-xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi, ayaa xaqiijiyay in Saraakiisha iyo ciidamada ay hadda yihiin kuwo u xiran CID-da, isla markaana lagu hayo baaritaano kala duwan.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha looga hortagayo falalka la xiriira musuq maasuqa, isla markaana 28 isugu jira Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iminka loo gudbiyay Xabsiga dhexe baaritaana uu ku socdo.

Related posts

DAAWO: Abdirahman Abdishakuur oo farriinta todobaadka uga hadlay xaalada dalka.

admin

War Hada: Maxaad ka Ogtahay Waxa Maanta Soomaliya ay ka jeedineyso Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay?? War ayaan Idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24

Xildhibaanada Jubbaland Oo Kulan Ka Yeeshay Go’aankii DFS Iyo Xariga Wasiir Janan.

admin