Saraakiil ka tirsan ciidamada DF oo xabsiga la dhigay

0

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay in xabsiga la dhigay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, kuwaasi oo loo heysto inay qeyb ka ahaayeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada dagaalamay ayaa sidoo kale waxay kala qaateen qoryo badan, taasi oo keentay in dagaalo ay ka dhacay agagaarka Isgoysyada Maanabooliyo iyo Baar Ayaan, waxaana kadib ciidamada kala dhex galay saraakiisha ciidamada Booliska iyo Meletariga.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed (Americo) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan loo xiray isku dhacyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.