Animation

Sanado Kadib Kooxda Burcad Badeeda oo afduubay markab Iran laga leeyahay

no responses
Tuesday November 24, 2015 - 10:52 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault
Spread the love

Sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters Kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa afduubay markab laga leeyahay dalka Iran oo ay saarnaayeen 15 badmaaxiin, sida ay sheegeen masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka tirsan iyo qabiiro dhanka badda ah oo warbaahinta la hadlay.

Qabiirada dhanka badda ayaa ka digay dib usoo laabashada kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo  badweynta India marar badan ka afduubay maraakiib dalal kala duwan laga lahaa.

Seddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa hoos u dhacay weerarada kooxaha burcad badeeda Soomaalida ka geysan jireen biyaha Soomaaliya iyo meelaha kaxsan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidamada  la dagaalanka burcad badeeda

Markabka ayaa waxaa la sheegay iney afduubteen koox dhalinyaro oo qorshe Ak 47 iyo kuwo kale ku hubeysnaa, waxaana la ogeyn halkey la aadeen.

Kooxda burcad badeeda ayaa markabka oo ay la socdeen 15 xubnood uu badmaaxiin ah ayaa waxaa la sheegay iney ka afduubteen meel ku dhow xeebaha degmada Eyl.

John Steed, agaasimaha bariga Africa ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa xaqiijiyay afduubka loo geystay markabka oo lagu magacaabo Muhammidi oo dalka Iran laga leeyaha
KISMAAYO24 NEWS AGENCY
ABDI KAFI ABDI ABDULLE
muqdisho-somalia

Facebook Comments