Animation

Salaad Cali Jeele:- Wadanka in uu Kacdoon ka dhaco madaxweynaha aya ka masul ah.

no responses
Saturday September 24, 2016 - 12:14 under Breaking News by admin
mqdefault

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan diyaar u ahayn in uu talada dalka dhigo.

Waxa uu sheegay Salaad Cali Jeelle , in Madaxweynuhu waqtigii loo igmaday in dalka uu hoggaamiyo ka dhamaaday sidaas daraadeed loo baahnaa In xilka uu ku wareejiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mar uu siyaasigu ka hadlayay Hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo looga digayo Shacabka Soomaaliyeed kacdoon ka dhan ah dowladda ayuu sheegay in Xasan Sheekh isagu uu dalka fowdo u horseedaayo.

Waxaana uu ku fasiray hadalka digniinta ku aadan in dalka Kacdoon qas u horseeda uu ka dhaco ayuu ku sheegay mid uu Madaxweynuhu isagu ku iclaaminayo Kacdoon uu xukunka ku sii heysto sida uu hadalka u dhigay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in kacdoon dalka bur bur hor leh u horseeda uu ka dhaco.