“Sahanka aan ku sameynay Shidaalka Soomaaliya lacagteena ayaa naga gashay”

0

Madaxa Shirkadda Spectrum oo la hadlayay BBC Soomaaliya ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay sahminta ay ku sameeyeen Shidaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sahminta Shidaalkaasi ay ka gashay lacagtooda iyo lacago ay kasoo deynsadeen shirkado kale, sida uu hadalka u dhigay, iyadoo ujeedada tahay in laga wada faa’ideysto Shidaalka ku jira biyaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirka ka dhacay magaalada London ee dalka UK uusan aheyn mid lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, islamarkaana shirkadoo aysan ka shaqeyn xaraashka.

“Lacagteena ayaan gelinay baaritaanka anagoo eegeyna howsha socota,waxaan sidoo kale qarashka ka deysanay Shirkado kale, muhiimada waxay aheyd in la ogaado shidaalka ku jira biyaha, shirkadeena waxba ma xaraasheeno, waxaan sameyneynaa inaan tusno meelaha ayuu shidaal ku jiraa”

“Shuruudaha ay wax ku iibsan karaan waa kuwo maanta halkaan lagu sharaxay, waxay ka dhigan tahay sida uu noqon doono shidaalka Soomaaliya, howlaha kale iyo bixinta shidaalka dowladda ayay u taalaa”ayuu yiri madaxa shirkada Spectrum.

Shirka ka dhacaya magaalada London ayaa dhaliyay buuq badan, kadib markii kooxaha mucaaradka dowladda ay dhaliilo badan u jeediyeen dowladda Soomaaliya.