Animation

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga iyo rugta ganacsiga Soomaaliya oo kulan ka qeyb galay.

no responses
Thursday September 17, 2015 - 2:40 under Somali News by admin
Spread the love

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed Maxamuud  Cabdikariin Gabeyre oo uu wehliyo agaasimaha Rugta Ganaciga Cabdi Abshir Dhoore, isla markaana booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa waxa ay booqdeen xarunta Warshadaha Dalkaasi, halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay Xoghayaha guud ee Rugta Warshadaha Dalka Mr Yavuz,

Wafdig ayaa waxaa booqashadooda Xarunt Warshadaha Dalka Turkiga ku weheliyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Tukiga Danjire Cabbdullaahi Maxamed Cali iyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga ee Safaarada Yuusuf Axmed Xasan (Jeego)

Danjiraha Soomaaliya ee wadanka Tukiga iyo wafdiga ka socday Rugta Ganacsiga waxay ay sidoo kale ka qaybgaleen kulan sanadle ah oo ay soo qaban qaabisey Rugta Warshadaha wadanka Turkiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Canshuuraha dalka Turkiga ayaa waxa uu kasoo qeyb galey kulnka asagoo si heersare ah u qaabilay wafdiga ka socdey Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa wax aka soo qeyb galey Guddoomiyaha Rugta Warshadaha Wadank Turkey Nuraddin Ozdabir,iyadoo  lagu marti qaadey dhaman Safaaradaha Degan Magaalada Ankara iyo ganacsato waaweyn oo magac kuleh wadanka Turkiga,

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka wadanka Turkiga uu la leeyahay wadamada soo korayo oo ay Soomaaliya ka midtahay.

Safiirka soomaliya u fadhiya wadanka Tukiga iyo Wafdiga Soomaaliya ka socday ee uu hogaminayey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga waxa ay si isku mid ah uga mahad celiyeen mus’uuliyiintii Turkiga ahaa ee ka soo qeyb galay kulanka, sida Wasiirka Ganacsiga iyo Canshuuraha dalk Turkiga.

Madaxa  xafiiskaa Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Yuusuf Axmed Xasan ayaa waxaa uu sheegey in ay howshaan tahay howl balaaran,oo fursad u ah Ganacsatada Soomaaliya, isagoo balan qaadey in uu ku dadali doono  sidii labada wadan ganacsigooda loo xoojin lahaa.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali  ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada iyo xiriirka ay Soomaaliya u fidiyeen xilli loo baahna, waxaana uu intaa ku daray in dhankiisa uu soo xoojin doono xiriirka labada dal.

Facebook Comments