Somali News

Safiirka Itobiya oo Shaciyey Tirada Ciidamada kajooga Somaliya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, Meles Alem ayaa shaaciyey tirada ciidamadooda ee ku jira howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Meles oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Star ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ay tiradoodu u dhexeso 9,000 illaa 15,000 oo Askari, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay ka mid yihiin qeybaha saddexaad iyo afaraad ee AMISOM, kuwaas oo ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galguduud.

Waxaa kale uu intaasi ku daray in muhiimadooda koowaad ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab oo qatar ku ah guud ahaan gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

Related posts

SAWIRRO:- RW, ku xigeenka DFS Oo Daah-Furey Mashruuc lagu Daryeelayo Qaxootiga Dalka Ku soo laabtay.

Ahmed sudani

Faysal Cali Waraabe''Siilaanyo Soomaaliland Buu Dhabar Jabinayaa''(Muuqaal)

admin

TOP NEWS: Dhageyso Galmudug oo si kulul uga hadashay weerar ay ciidamada daraawiishta puntland kusoo qaadeen……

Tifaftiraha K24