Somali News

Safiirka Cusub ee Somaliya ufadhin doona Dalka Hindiya oo

Danjiraha cusub ee soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya ayaa gaartay magaalada New Delhi ee Caasimada dalka Hindia, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn diiran.

Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka  mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen  madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala.

     

Related posts

IMF oo shaacisay in dhaqaalaha Somalia u sare u kacay 3.7 %

admin

DEG DEG: Madaxweynayaasha Turkiga iyo soomaliya oo Goordhaw Xariga ka jaray Safaaradda Cusub ee Turkiga uu ka dhistay Soomaliya

Tifaftiraha K24

Dhageyso:- Soomaaliya goormeey dib uhowlgalin kartaa warshadihii Sonkorta iyo Kabaha?

admin