Somali News

Safarka madaxdii hore ee Qaranka Somaliya ee magaalada Baladweyne oo dib-u-dhac ku yimid.

Safar ay maanta ku tagi lahaayeen magaalada Baladweyne madaxweynayaashii hoore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hakad kuyimaadey sababo la xiriira roob xalay ka da`ay Magaalada oo isku-socodka magaaladaasi hakad galiyey.
Ujeedka safarka Baladweyne ay ku tegayeen masuuliyiintan oo ah mid la xiriirta musiibada fatahaadda ayaa waxaa ku wehlin lahaa xubno ka tirsan madasha xisbiyada qaran.
 
Kulan xalay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha, waxaana maanta Baladweyne ay gaarsiin doonaan gargaar loogu talagalay dadka ku barakacay fatahaadii ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
 
 

Related posts

Deg-deg: Golaha Wasiiradda Maamulka Galmudug oo la shaaciyey.

admin

Top News Dowlada IRAN oo diyaarado Cusub Ibsanaysa

admin

Daawo: Hargaysa oo ay ku soo badanayaan Garoomada Goglan iyo Xiisaha dhallinyarta oo Kordhay.

admin