Safaarada Itobiya oo lagu eedeeyay kala qeybinta Somalida.

0

Dowladda Soomaalida Ethiopia waxay ku eedeysay Safaaradda Ethiopia ku leedahay caasimadda dalka Britain ee London inay Xeelladihii Gumeystaha u adeegsadaan si ay Qurbo-joogta Soomaalida ugu kala qeybiyeen Beel-beel.

Maxamed Colaad oo ah La-taliyaha cusub ee dhinaca Isgaarsiinta ee Madaxweynaha Dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustaf Cumar Cag-jar waxa uu si kulul u cambaareeyey Kulan ay Safaaradda Ethiopia ee London dhaawaan la yeesheen xubno ka tirsan Beelaha Soomaalida ee deggan London, wuxuuna arrintaasi ku micneeyey qorshe la doonayo inay Soomaalida dhexdooda lid isku noqdaan.

Safaaradda Ethiopia ee magaalladda London waxaa kaloo soo wajahay Mucaarado kaga imaanayso Waddaniyiinta Soomaalida, kuwaasi oo Baraha Bulshadda soo dhigay eedeymo ka dhan ah falalka aan Akhlaaqda ahayn ee ay Safaaraddaasi si gooni-gooni ah kula xaajoonayso  Soomaalida qaabka Qabiiliga.

Wardi C/ladiif oo ah Taageere kale ee Madaxweyne Mustafa Cumar Cag-jar ayaa ugu baaqday Safaraadda Ethiopia inay adeegsadaan Qurbo-joogta Gobalka Somalia, halkii ay adeegsan lahaayeen magacyadda Beelaha ee Qurbo-joogta.

Eedeyntan ayaa soo baxday iyadoo Safaaradda Ethiopia ee magaalladda London ay wada-xaajoodyo la leeyihiin Qurbo-joogta Soomaalida Ethiopia ee ku nool London.

Tan iyo sannadkii 2018-kii, Hay’addaha Caalamiga ee Xuquuqda Adaanaha waxay dalka Ethiopia ku qiimeeyeen dalka ugu xun ee ay ka dhacaan Xiisadaha ku salaysan Isirka Beelaha ee Dowladda Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali.