Animation

R/Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon oo Hambalyada Ciida u direy Shucuubta Islaam

no responses
Thursday September 24, 2015 - 2:57 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya mudane Cabdi  Faarax Shirdoon (Saacid)  ayaa maanta  Hamabalyo uga diraya dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Saacid

“Waxaan halkaan Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in uu Ilaahay ku gaarsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban. Waxaan sidoo kale Ilaahayna idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo gudashada Waajibaadka Xajka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid oo dhanka kalana sheegay in Ciidul Adxadu ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dadka Muslimiinta, waana maalmo weynayntoodu qiimo weyn ugu fadhiyaan dhamaan shucuubta Muslimiinta. Waxaa kulma bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,

“Waxaana halkan baaqa uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadaan Ciida dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka”

 

 

 

Facebook Comments