Animation

TOPNEWS :- RW CC Sharmarke oo Garowe ka dagay iyo Abdiweli Gaas oo…

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 3:06 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Goordhawayd oo galabta ah ayaa Garoonka diyaaradaha Kanoco ee duleedka magaalada Garoowe lagu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Madaxda Dawladda Puntland ugu sarraysa oo uu hogaaminayo Madaxwayne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Garoonka diyaaradaha uga hortagay Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaana loosoo galbiyey aqalka Madaxtooyada, halkaas oo ay warbaahinta si wadajir ah warbaahinta ugula hadli doonaan Madaxweyne Gaas iyo Ra’iisul wasaare Sharmaake.

Guud ahaan waddooyinka Muhiimka ah ee magaalada Garoowe ayaa saacado ka hor lasii xiray intii uusan Ra’iisul wasaaruhu Puntland soo gaarin, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka iyadoo waddooyinka magaalada lagu arkayey askar hubaysan oo ammaanka sugaya

Facebook Comments