Animation

TOPNEWS :- RW Kuxigeenka Somalia oo si rasmi ah logu daray Madasha Qaranka Asago Mataali doona Somaliland iyo Wararki ugu danbeyay ee ..

no responses
Friday September 9, 2016 - 2:11 under Somali News by admin
mqdefault

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa wali si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shirkaan oo shirarki hore si weyn uga duwan madaama u yahay ki ugu danbeyay ayaa madaxdu wali isku fahmi la dahay qodobo dhowr ah.

Qodobka la isku mari la yahay ee ugu xasaasi san waxaa weye aqalka sare iyo kala badsashada Maamul Goboleedyada jira.

Madax qaar waxay tagan yihiin ama tiro is le.eg  hala siiyo maamulada ama aqalka sare hala laalo.

Halka madaxda qaar ay tagan yihin yaan dib logu noqon wixi horay logu hedhiyay ee anu dhamayno waxa dhiman.

Dhanka kale waxa manta si rasmi ah madasha logu daray  Rw kuxigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte  asago hada wixi ka danbeya madasha ku matali doona Somaliland codna ku yeelan doona madasha.

 

Horay Madasha waxaa cod ku lahaa Maamulada Galmudug.Puntland.Konfur Galbeed.Jubbaland  DF iyo BF hada waxa ku so siyaaday Somaliland.