Somali News

RW Khayre oo Washington kaga qeyb galay Shirka IMF iyo Bankiga adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.

Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

  

Related posts

Wararkii ugu Dambeyay Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho

admin

Biyo la,aan ka taagan deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

Sakariye Sakariye

Top News:-Barakac Ka Bilawday Degmada Baardheere Iyo Gurmad Al-shabaab Ah Oo Halkaasi Gaaray

admin