Animation

R/W hore Saacid Farax oo ka hadlay hishiiska Gaalkacyo iyo dagaalkii ka horeeyey.

110 responses
Wednesday December 2, 2015 - 2:11 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Abdi Farah Shirdoon “Saacid” oo farriin qoraaleed  uu uga hadlayo dagaalkii Galkacyo iyo hishiiskii ka danbeeyey ayaa waxaa uu soo gaarsiiyey Radio VOS.

Saacid Farax ayaa waxa uu farriintiisa ku sheegay in wax laga xumaado ay aheyd dagaalka Gaalkacyo ee geerida sababay, dhinaca kalana soo dhaweeyey in hishiis xabad joojin iyo wadahadal ah laga gaaray murankii ka taagnaa Gaalkacyo.

Haddaba qoraalka uu Ra’iisul wasaarihii hore ina soo gaarsiiiyey ayaa u qornaa sidan :

Ujeedo;  Fariin la xiriirta baaq nabadeedka Galkacyo.

Waxaa nasiib darro iyo naxdinba ah dhimashadii, dhaawacii, burburkii iyo barakacii ka dhashay dagaalkii Galkacyo. Waxaan tacsi iyo talladeyda sama-doonkaa islamarkiiba toos u gaarsiiyey Madaxweyne gobolledyada Puntland iyo Galmudug, wax-garad iyo samo-jecle labada dhinacba . Waana ku ammaanayaa dareenkooda nabadeed. Wixii dhacay Allaha nooga booga-dhayo.

Waxaan bogaadinayaa qodobada baaqa nabadda ee Galkacyo iyo dhammaan intii ka shaqeysay, fududeysay, aqbashay iyo intii goob-joogga ka ahayd fagaaraha. Waa guul in la joojiyo dagal dad wallalo ah, waxaase ka sii fiicneyd in la baajiyo oo usan dhicinba.

Siyaasad deggan, wada-hadal dhab ah oo garowshiiyo iyo tanasul ku dhisan isuna soo dhaweeysa Madaxda iyo dadkaba ayaa saldhig u ah nabad lagu naaloodo ee mira-dhal ah. Sidaas awgeed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka mudan ama culeyska  ku leh siyaasadda deegaankaas inay u hagar baxaan isu-soo dhaweynta madaxda iyo dadyowga kala duwan ee deeganka. Mahadsanidin.

Abdi F. Shirdon (Saacid),

Ra’isul-Wasaarihi hore ee Somalia

Facebook Comments