Ruushka oo ka digay dagaal toos ah oo ay Maraykan la galaaan

0

Dawladda Ruushka ayaa Maraykanka uga digtay dagaal toos ah oo labada dal dhexmara haddii uu qaado weerar dhanka cirka ah oo uu kaga jawaabayo weerarka looga shakisan yahay in kiimiko loo adeegsaday ee Suuriya.

“Arrinta ahmiyadda leh hadda waa in la baajiyo halis dagaal,” ayuu yiri Vassily Nebenzia oo ah safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay

Maraykanka ayuu ku eedeeyay in uu halis galinayo nabadda caalamka, wuxuuna sheegay “in xaaladdu ay halis tahay”.

Quwadaha reer galbeedka ayaa loo malaynayaa in ay qorshaynayaan dagaal, laakiin Ruushka oo ay xulafo yihiin Suuriya ayaa arrintaas ka soo horjeedda.

“nasiib darro meesha kama saari karno macquulnimada in ay waxkasta dhici karaan” ayuu ku yiri saxafiyiinta, ka dib markii Golaha Ammaanku uu shir khaas ah ku yeeshay magaalada New York.

Wuxuu sheegay in sare uu sii kacday “halis ah in xaaladdu ka sii darto” sababtuna ay tahay ciidammada Ruushka ee Suuriya jooga.

Masuuliyiin sare oo Ruush ah oo uu ka mid yahay taliyaha ciidammada ayaa Maraykanka uga digay in soo ridi doonaan gantaallada uu soo rido ayna bartilmaameedsan doonaan meesha laga soo riday haddii ay halis dareemaan ciidammada Ruushka ee Suuriya ku sugan.

Nebenzia ayaa sidoo kale ku baaqay in Golaha Ammaanku uu Jimcaha kulmi si uu isula soo qaado macquulnimada ficil milatari oo reer Galbeedku qaadaan.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in uu sii wadayo ka baaraan dagida wararka mukhaabaraadka iyo in uu xulafadiisa kala hadlo jawaabta ay bixinayaan.

Dhanka kalana ururka u xilsaaran adeegsiga hubka kiimikooyinka ah ee magaciisa loo soo gaabiyo (OPCW) ayaa sheegay in uu khuburo u dirayo Suuriya, ayna baaritaannada billaabi doonaan maalinta Sabtida ah.