Somali News Top News

Roobow abuu Mansuur oo qaatay Shahaadada Doorashada Koonfur Galbeed

Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa Noqday Musharixii ugu horreeyay ee gudiga doorashada koonfur galbeed ay guddoonsiiyaan Shahaadada musharaxnimo ee doorashada KFG.

Guddiga doorashada koonfur galbeed ayaa waxa ay sheegeen in Abuu Mansuur uu buuxiyay sharuidihii musharaximada madaxweynaha ee gudiga ay soo bandhigeen sidaasi darteed Roobow Abuu Mansuur hada wixii ka dambeeyo waa musharax rasmi ah oo u tartami kara doorashada koonfur galbeed.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soonaaliya ayaa qoraal ay soo saartay bil ka hor ku sheegtay in Mukhtaar Roobow aanu tartami karin doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, maadaama ay saaran tahay xayiraado caalami ah balse rooboow Mansuur ayaan dhag jalaq u siinin amarka wasaaradda Amniga Federaalka.

Related posts

DHAGEYSO: Maxamuud Sayid “Beesha SADE, waa goáansatay ka qeybgalka Jubbaland

admin

Dad badan oo ku dhintay qabow xad dhaaf ah oo ka dhuftay Woqooyiga Maraykanka (Sawirro)

Mohamed Abdirashid Abaajo

Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda Dalka Turkiga iyo Wadamadda Afrika oo ka Furmay Turkiga

Ahmed sudani