Somali News

Roobab Xoogan Oo Ka Da’ay Gobalka Hiiraan  Iyo Garoonka Diyaaradaha Baladweyne oo daad qaadey.

Saacadihii la soo dhaafay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka da’ay Roobab xoogan oo socday muddo ku dhow laba saacadood.

Roobabkan ayaa waxaa ku diirsaday dadka iyo duunyada Baladweyne,isla markaana waxaa uu biyo badan dhigay Waddooyinka ku yaalla halkaas.

Sidoo kale Roobabkii ka da’ay Baladweyne ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif,isla markaana uu xirmay.

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Garoonka diyaaradaha ku soo rogmaday daadad biyo badan watay,kuwaasi  oo ah roobabkii xalay ka da’day halkaas.

Inta badan xiliyada ay roobabka ka da’aan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee isaga kala goosha deegaano ka tirsan Gobolkaas,isla markaana waxaa xirma Garoonka diyaaradaha Magalada Baladweyne.

Related posts

War Deg Deg ah Diyaaradda kenya leedahay oo ku Burburtay Xadka soomaaliya

admin

Akhri : Puntland Oo Deegaanadeeda Ka Mamnuucday Radio Muqdisho.

admin

Ahlu-sunna oo Guriceel ku xirey Agaasime ku xigeenka Radio Galgaduud.

admin