Somali News

Reer Cadaado oo shuruud ku xiray ka qeybgalka xulista xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Odayaasha dhaqanka oo ay wehlinayaan wax-garadka reer Cadaado ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxey go’aan kaga gaareen doorkooda ku aadan xulista xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

kulanka waxaa kasoo baxay war-saxaafadeed ay ku xaqiijiyeen ineysan cidna u matalin xubnaha odayaasha ee ay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya soo bandhigtay.

Sidoo kale war-saxaafadeedka wuxuu ku qotomay in dowladda Federaalka la ogeysiiyo iney wali jiraan tabashooyin, sidaas darteed aysan ka qeyb gali doonin xulista xildhibaanada inta laga xalinayo.

Wararka waxey intaas ku darayaan in kulanka kulmiyay dhinacyada kala duwan ee dadka dega Cadaado ay ugu weyn tahay iney doonayaan in loo xaqiijiyo hadii ay magaalada Cadaado sii ahaaneyso xarunta Baarlamaanka iyo sidoo kale cabasho ay ka yahiin inaan gabi ahaan lagala tashan waxa socda.

Maanta ayey aheyd markii dowladda Federaalka ay isku soo aruurisay odayaal la sheegay iney soo xuli doonaan xubnaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

 

Related posts

Degdeg: Al-Shabaab oo lawareegay gacan ku haynta Tuulada Garileey ee Gobolka Gedo.

admin

Faraniiska oo ku dhawaaqay Hadal qatar weyn ku ah Haweynka Muslimiinta ah ee Wadankaasi ku Nool

Tifaftiraha K24

Akhriso: War culus oo ka soo baxay Beesha uu ka dhashay Xildhibaan Axmed Taajir oo Kismaayo lagu xiray

admin