Real Madrid Oo Laba Xiddig U Calaameysatay Badalka Mateo Kovacic Iyo Dooqa Tababare Julen Lopetegui Oo Dhibaato Ku Noqon Kara Barcelona

0
FC Barcelona players line up facing Real Madrid prior to the King's Cup (Copa del Rey) quarter final game between Real Madrid and FC Barcelona in Camp Nou (New Camp) in Barcelona, Spain on January 25, 2012.

Real Madrid ayaa dhexda ka galeysa waqti jahawareer ah maadaama qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsaneed kooxda ay doonayaan iney isaga dhaqaaqaaan, waxeyna haatan ka fakareysaa iney hesho badalka Matteo Kovacic oo qarka u saaran inuu ku biiro Chelsea.

Los Blancos kaliya maahan iney dhibaato ku qabto bixitaanka Mateo Kovacic kaas oo doorbidaya inuu helo boos joogto ah, balse waxaa kooxda ku cadaadinaya in la iibiyo 32-jirka reer Croatia Luka Modric kaas oo dalab ka helay Inter Milan.

Laba xiddig ayey maamulka kooxda calaameysteen si midkood ay u keenaan magaalada Madrid, walow tababare Julen Lopetegui uu aad u doorbidayo mid ka mid ah xidigahaas waana Thiago Alcantara oo horay ugu soo ciyaaray Barcelona.

Sida ay qortay shabakadda AS, kooxda boqortooyada waxey haatan isha ku heysaa ciyaartoyda kala ah Mirelam Pjanic oo ka tirsan Juventus iyo xiddiga reer Spain Thiago Alcantara oo isna u ciyaara kooxda Bayern Munich.

27-jirkii hore Barcelona waxaa aad u xushmeeya Julen Lopetegui kaas oo goor hore shaaciyay inuu jeclaan lahaa la shaqeynta xiddigaas, balse heshiiska uu kula jiro Bavaria wuxuu dhacayaa 2021.

Dhawaan ayey aheyd markii gudoomiyaha Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge uu si dadban u xaqiijiyay iney doonayaan xiddigaha khadka dhexe ee kooxda iney kala yareeyaan maadaama ay 9-xiddig u heystaan kaliya saddexda boos ee dhexe.

Bayern Munich waxey xiddigaan ku qiimeyneysaa adduun dhan 60 Malyan oo Euro, dhinaca kalana Los Blancos waxey muddo dheer ku raad joogtay Mirelam Pjanic kaas oo aad uga qaalisan dhigiisa Alcantara.

Xiddigii hore Lyon waxey kooxda Juventus ku bixineysaa adduun dhan 80 Malyan oo Euro, waana qiimo aysan dooneyn Madrid iney xagaagan ku bixiyaan hal xiddig.