Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Top News

Ra’isulwasaare kuxigeenkii Soomaaliya oo difaacay hadalkii Yuweri Museveni iyo xog cusub shaaca ka qaaday

Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa difaacday hadalkii Yuweri Museveni uu ku liiday dowladnimada Soomaaliya.

Fawsiya ayaa sheegtay in hadalka Yuweri loo qaato Canaan ee aan colaad loo qaadan,waxaana ay dhaliishay jawaabta ay Dowladda Federaalka ah ka bixisay hadalkaas.

Xildhibaanaddu waxaa ay sheegtay in Uganda ay dhiig badan u daadisay shacabka Soomaaliyeed ilaa haddana ilaaliso sidaas darteedna hadalka ka soo baxay Yuweri Museveni aan looga falcelin sida tallaabo looga qaaday hay’ado ama dalal khalad ka galay Soomaaliya.

Waxaa ay ka digtay in lagu deg dego tallaabo laga qaado dowladda Uganda oo ka mid ah kuwa Soomaaliya ka taageera dhinaca amaanka kuna yaboohay Ciidamada AMISOM.

Qoraal ay ku qortay barteeda Twitterka ayey Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan uga digtay in lagu fududaado tallaabo laga qaado dowladda Uganda.

Related posts

War hada: Magaalada Cadaado oo laga soo sheegaayo arin aad u naxdin badan 11 Ruux oo Cisbitaalka la dhigay

Tifaftiraha K24

Dowlada oo sheegtay inay baareyso dad rayid ah oo saaka lagu diley Muqdisho

admin

Warbixin: Magaca Saxda Ah Ee Raysalwasaaraha Itoobiya, Da’diisa Iyo Diinta Uu Haysto

admin