Somali News

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay Munaasabad lagu Soobandhigayay waxqabadkiisa.

Magaalada Muqdisho caawa waxaa lagu qabtay Munaasabad magaceeda lagu sheegay Geediga Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumada oo uu soo agaasimay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumada Somaliya.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa, Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.

Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadal waxqabadka xukuumada oo haatan jirsatay ku dhawaad 10 Bil iyo waxa uqorsheysan mudooyinka soo socda.

Kheyre ayaa sheegay inuu dalka yimid iyadoon aaney wax lacago ah kujirin Accounka dowladda balse uu rajeynayo inuu xilka isaga tago iyadoo ay lacago badan kujirto qasnada Dowladda, waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah.

Waxa uu soo qaatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dadaalada ay ugu jiraan in la ciribtiro musuq maasuqa dalka hareeyay, waxa soo qaatay sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab isagoo muujiyay yidadiilo ku aadan in laga guuleysto.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culimada Somaliyed oo hadlay, ayaa mar isdul taagay Mooshinka suuqa kujiro ee laga wado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Waxa uu Shiikha usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ineysan wax lacaga ah siin Xildhibaano uu ku sheegay iney xaaraan qaadanayaan hadii lacagahaas lasiiyo.

Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka oo mideysan ay ceejinayaan Xildhibaanada wada mooshinada ka dhanka ah Madaxda Dowladda Somaliya.

Related posts

DAAWO: tartanka quraan aqriska oo ka furmay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo

admin

Daawo: Alshabaab oo Dagmada jilib kusoo bandhigtay ciidamo cusub oo karfantooda madaxa ku wata xili dowlada farmaajo ay….

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Mareykanka oo ogaaday halkii loo waday hubkii faransiiska uu qabtay

admin