Somali News

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Related posts

Xarakada Al Shabaab oo soobandhigtay liiska dadkii kugeeriyooday Qaraxii.

admin

BAAFIN BAAFIN BAAFIN: Waxaa La Baafinaya Ahmed Cabdi Maxamad

admin

Xog: xarig jiidka siyaasadeed ee Muqdisho ka jira oo meel Halis ah maraya, Iyo Madaxweyne Gaas oo soo jeediyey in Dowladda loogu Daro Muddo laba sanadood ah.

admin