Animation

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in uusan Gaalkacyo ka tageyn ilaa Colaadda la xaliyo

no responses
Monday November 30, 2015 - 7:24 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo Xalay ku Hoyday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa kulamo Xal loogu raadinayo waxaa uu la qaaday Xalay Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid  ayaa sheegay si deg deg in lagu soo afjari doono colaada dhiiggu ku daatay ee degmada Gaalkacyo ka dhacday, isagoo xusay maalinta maanta in ay kulan guud wada qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna dhinaca kale rajo ka muujiyay colaadii dhacday in wada hadal lagu dhamayn doono.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacay Gaalkacyo maalmihii u dambeeyey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul dagaalamay. Waxaan Gaalkacyo u nimid in aan soo afjarno colaada maalmahan socotay, halkaan waxaan dib uga noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan. Ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Dhanka kale Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu ka Cago jiidayo inuu tago Magaalada Gaalkacyo,inkastoo Ra’iisul Waasaare Sharmaake uu ka Codsaday inuu Deg Deg u yimaado Gaalkacyo si ay isku hor fariistaan Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Facebook Comments