Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa lagu wadaa in Bari oo Sabti ah uu Booqasho ku tago Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Cumar C/rashiid iyo Wafdi uu Hogaaminayo ay Bari gaari doonaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Fariisin u ah Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmi doona Madaxda Maamulka Jubbaland oo uu kala hadli doono Arrimo ay kamid yihiin Dhameystirka Baaritaanka Qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Arrimo la Xariira Khilaafka Dowladda iyo Jubbaland.

Waa Markii ugu horeysay oo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu tago Kismaayo tan iyo Markii dib loo doortay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.