Animation

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ku baaqay in Shaqo Abuur loo sameeyo Dhalinyarada

no responses
Sunday September 6, 2015 - 8:35 under Somali News by admin
mqdefault

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka hadlayay Doorka Dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Nabadda iyo Hormarka ayaa sheegay in loo baahan yahay dhalinyaradu in ay hesho Waxbarasho iyo Shaqo Abuur intaba.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa tilmaamay in waxii ka danbeeyay Burburkii Dowladdii dhexe ay meesha ka baxday Doorkii dhalinyarada,maadaama Dal walba uu ku tiirsan yahay Dhalinyarada.

“Waxaan Codsanayaa in Dhalinayarada wax baratay ay helaan Shaqo Abuur kuwa aan wax barana sidoo kale la siiyo Shaqo ay qaban karaan si looga baaqsado Mustaqbal la’aan dhalinyarada ku timaada.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la sheegaan in waxii ka danbeeyay Burburkii Dowladdii Malatariga  ay noqdeen kuwo qeyb ka qaatay Colaada Soomaaliya.