Animation

Qurbajoogta Galmudug oo so dhawaysay Dhismaha Dakada Hobyo iyo Airporka Oshaco

no responses
Thursday November 12, 2015 - 10:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Zakariye cabdikariim nuur gudoomiyaha jaaliyada galmudug ee koonfurta qaarada  Yurub waxa uu so dhaweeyey hormarada ka soconaya deegaanada Dawlada Galmudug oo iskugu jira mid amni iyo arima bulshada .

 

Gudoomiye Zakariye waxa uu soo hadal qaaday doorka qurba joogta Galmudug ay ku lee yihiin hormarada hada socda waxa uuna sheegay in mar walba ay qeyb ka yihiin hormar kasta oo ka dhaca Gobalada iyo Dagmooyinka Dawlada Galmudug “waxaa nahay kuwo la socda hormarka waana so dhaweenaynaa” ayuu si raacshay gudoomiyaha Koonfurta qarada yurub ee Jaaliyada Galmudug.

 

Waxa u so dhaweeyey dhismaha Dakada Hobyo iyo Airport-ka Oshaco oo dib u hawl galay ka dib  markii lagu dhameeyey dhisme ku socday iyo  hormarada kale ee mudan in loo muujiyo taageero dhankasta ah.

 

Qurbo joogta ka soo jeeda Dawlada Galmudug ayaa door aana la dafiri karin  qeybta ay ku lee yihiin hormarka ka socda deegaanada Dawlada Galmudug

Facebook Comments