Animation

Qurba-joogta Puntland ee Finland oo Casho Sharaf u Sameysay Wasiir ku Xigeenka Maaliyada ee Maamul Goboledka Koonfur Galbeed (Sawiro)

no responses
Monday September 7, 2015 - 5:14 under Breaking News by admin
mqdefault

Wasiir ku xigeenka maaliyada ee maamul goboledka Koonfur Galbeed, ee Somalia Mudane Mohamud Abdullahi hussein (cadaawe) oo maalmahaan booqasho ku marayay dalalka Waqooyiga Yurub isla markaana kulamo kala duwan la qaadanayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi ayaa magaalada Helsinki ee dalka Finland waxaa Kulan Iyo Casho sharafba u sameeyey  Qurba-joogta Puntland ee Finland  wuxuuna soo booqday xarunta weyn ee jaaliyadu ay ku leedanahay Helsinki Finland  kulana  kulmay aqoonyahano Reer Puntland  iyagoona ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan arimaha somaliya iyo wixii xal waaro looga gaari lahaa kusoo dabaalida nabad iyo sidii Faderaalka somaliya loogu hirgelinlahaa sidoo kale wasiirka ayaa carabka ku dhiftay midnimada somaliya in ay  muqadas.

Casho sharaftaas  oo ay soo agaasintay Qurba joogta Puntland ee Finland ayaa aqoonyahanadii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Mudane Deeq Cusmaan Gurxan
Munaasabadda kulanka  Casho Sharafta Loo Sameeyey Wasiir ku Xigeenka Maaliyada ee Maamul goboleedka koonfurta Somaliya Mudane  Mohamud Abdullahi hussein (cadaawe) ayaa waxaa ka hadlay aqoonyahanada Soomaalida ee dalka Finland  degan, waxayna sheegeen in Wasiirku soo dhoweynta qiimaha badan ee loogu sameynayo dalalka Yurub uu ku kasbaday somalida qeybaheeda kala gedisan.
Kulanka ay wada qaateen Wasiirka iyo qurba-joogta Reer Puntland ee Finland ayaa ku saabsanaa Xog-waran dardaaran iyo Wadatashi dhexmaray Jaaliyada iyo Wasiirka .
Shacabka Reer Puntland ayey caadadood tahay sooryada iyo ixtiraamka,qadarinta ay  marwalba ku qaabilaan masuuliyiinta qaranka Soomaliyeed ee safarada shaqo ku taga wadamada ay ku dhaqan yihiin jaaliyadaha soomaliyeed ee ay marwalba ka muuqato wadaniyada iyo geesinimada ay u hayaan dalkooda hooyo.
Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Mudane Abdifatah Jama (Janagale) Ayaa dhankiisa la dardaarmay Wasiirka kuna dhiirageliyey inuu dadaalkiisa sii wado aruuriyana dhamaan umada Somaliyeed  meel walba ay joogto  Wakiilka wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay in Wasiirka soo booqdo Finland Jaaliyadana ay garab taagan tahay.Wakiilka ayaa sidoo kale ku booriyey wasiirka in dib u heshiin u sameeyo dhamaan walaalaha somaliyeed ee gudaha ku sugan.
Gudoomiyaha Dalada Qurba-joogta Puntland ee Finland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa Wasiirka  warbixin kooban kasiiyey waxqabadka jaaliyada sidoo kale gudoomiyaha ayaa ku amaanay dadaalkii iyo waxqabadkiisa Wasiiirka kulana dardaarmay inuu somali mideeyo una israago sidii umada somaliyeed dib u heshiin sax ah loogu abuuri lahaa iyo cadaalad.