Animation

Qurba-joogta Awrtable (Yusuf Daarood) oo fashil u tilmaamay shirka Galkacyo.

no responses
Saturday August 29, 2015 - 2:09 under Breaking News by admin
mqdefault

Shirka wadatashiga Puntland ee ka socda magaalada Galkacyo ayaa waxaa iminka soo wajahay mucaaradad kala duwan oo uga imaaneysa bulshada kasoo jeeda Puntland. Qurba-joogta Beesha Awrtable “Yusuf Daarood” ayaa soo saaray bayaan ay uga hadleen wadada qaldan ee loo qaaday qabashada shirkaasi iyo sida loo xushay dadka kasoo qeybgalaya.

” Waxaa si cad u sheegeynaa in saamigii aan ku laheyn shirkaasi xubnaha ka qyebgalaya aan la siin beesha Awrtable, oo ka mid ah beelaha seeska adeg u dhisay maamulka Puntland, taasi oo ah mid aanan aqbali karin.” ayuu yiri Afhyeenka Qurba-joogta Awrtable Ali Abdulle Ismaaciil.

shirkaa-740x493

 

Dhinaca kale, waxaa ay sheegeen in shirka meeshii laga rabay wadatashi uu yeeshay muuqaal tilmaamaya “Kala tashi”, kaasi oo aysan ummadda Puntland u fadhiyin, laakiin rag aan wax maamuli aqoon ay ka shaqeeyeen.

“Madaxweyne Prof, Abdiweli Maxamed Ali “Gaas” iyo golihiisa xukuumada, waxaan u gudbineynaa farriin aan ku muujineyno in aanan raali ka aheyn, waxa ay sameeyeen qolada shirkaasi Galkacyo qabatay, sidaasi darteedna looga baahan yahay xukuumadda inay baaris ku sameyso dadkaasi” Ayuu yiri afhayeennka qurba-joogta, oo intaasi raaciyey.

” Haddii aysan dowlada Puntland, arrintaasi ka hadlin, oo aysan raaligelin iyo ficil ka muujin, waxaanu u arki doonaa kuwa u bareeray waxa lagu sheegay shirka Galkacyo, ee la marin habaabiyey, kadibna beesha wadatashi ayey ka yeelan doontaa arrintaasi”.

Hadalka kasoo baxay qurba-joogta Awrtable “Yusuf Daarood” ayaa imaanaya xilli ay soo baxayana dhaliilo badan oo loo jeedinayo shirka Galkacyo, lama yaqaan jawaabta ay dowlada Puntland ka bixin doonto beeshan miisaanka leh warka kasoo yeeray.