Animation

QORMO: Wax ka ogow sababta uu isku casilay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

no responses
Wednesday October 28, 2015 - 9:21 under Breaking News by admin
mqdefault

Muhiimadda hadalka suuqa ku jira ee eedaynta gudoomiye Siciid Xasan shire ay xildhibaannadu mooshinka uga keeneen ayaa ah inuu is hortaagay su`aalo ay xildhibaanadu madaxwaynaha waydiin lahaayeen oo uu xukuumadda difaacay, laakiin siyaasad ahaan way adagtahay in suurto galnimada arrintaasi aniga iga dhaadhacdo maxaa yeelay saddex maalmood gudahood in 40 mudane ay mooshin saxiixaan howl yar maaha.

Haddaba sidee wax u jiraan?

Waa suurto gal in guddoomiyaha eedaynta la sheegayaa ay wax ka jiraan waxase iyadana qayb ka noqon karta loolankii iyo is-hayntii u dhaxaysay isaga iyo madaxwayne ku xigeenka oo uu guddoomiyuhu doonayan in mooshin laga keeno.

Markaas uu muushinka iyo dagaalka wax ka waday waxaa guddoomiyaha la socday xildhibaanada Sool iyo Cayn oo gaaraya 17 mudane, markii la heshiisiiyay iyaga iyo Cameeyna waxay noqotay in guddoomiyuhu cidlo istaago oo xittaa ku xigeenkiisa uu la safnaa madaxwayne ku xigeenka.

In arrin mahani isla xiriiraan waxaan ku fahmi karnaa dhowr qodob.
– Warqadda Mooshinka waxaa loo dhiibay guddoomiye ku xigeenka oo ay saaxiibo yihiin madaxwayne ku xigeenka.
– Ciidamada maanta xarunta baarlamaanka tagay waxaa qayb ka ah ciidankii madaxwayne ku xigeenka.
– Waxaa mooshinka wax ka saxiixay xildhibaanadii madaxwayne ku xigeenka ay is hayeen ee dhowaan ay heshiiyeen.
– Eedaynta uu maanta guddoomiyuhu jeediyay waxa ay ku socotay madaxwayne ku xigeenka.

Arrintan waxaa iyadana qayb ka ah xubnaha guddoga joogtada ah oo uu goddoomiyuhu doonayay inuu badalo oo uu meesha ka saaro.

Inkasta oo guddoomiyuhu uu yiri afgambi ayaa lagu sameeyay xaruntii baarlamaanka haddana eedayntaasi macne badan yeelan mayso mar haddii uu is-casilay oo haddii uu xilka isaga oo haya jeedin lahaa ayay ka saamayn badnaan lahayd, haba laga qaado haddii la doonee.

Baarlamaanku waxa uu soo dooranayaa guddoomiyaha xiga dadka la saadaalinayana waxaa ku jira Axmed Cali Xaashi oo horay u soo noqday guddoomiye xilligii xukuumaddii Cadde Muuse.

Guddoomiyaha inkasta oo uu is-casilay haddana baarlamaanku waxay sii wateen mooshinkii oo ay ka doodeen isla saaka 47 Xildhhibaan ayaa u codeeyey In xilka laga qaado Siciid Xasan shire Laba mudane ayaa diiday Laba kalena waa ka aamuseen .

ku simaha gudoomiyuna ma codayn .

XUQUUQDA QORMADA: Mahad Jama Koronto