Qooys ka kooban 6 Ruux oo ku Sumoobay Muqdisho 3 Caruur oo dhimatay iyo Aabaha oo…

0

Qoys ku nool xaafadda tawakal ee dagmada yaaqshiid ayaa la sheegay in ay ku sumoobeen waxyaabo mudaawaad ah oo ay isticmaalaan sida aan wararka ku helay hadda.

Seddex caruur ah ayaa geeriyootay oo kala ah laba gabar iyo hal wiil waxaana cisbitaalka loola cararay aabaha qoyska iyo wiil yar waxaana xaaladdooda caafimaad hadda lagu dabiibaya cisbitaalka daarul-salaam ee dagmada yaaqshiid.

Caruurta geeriyootay da’dooda waxaa lagu sheegay 15 sano jir, 10 sano jir iyo 9 sano jir.

Geed mudaawaad lagu sheegay oo ay cabeen ayey ku sumoobeen qoyskaan waxaana aabaha qoyska lagu magacaabaa jeelle xaashi Iimaan.

Hooyada qoyska oo aan daawadu cabin ayaa hadda bad qabta balse waxaa ay ka naxsantahay musiibbada qoyskeeda ku dhacday.

Ilaahey ha u naxariisto caruurtii geeriyootay qoyskana samir iyo Iimaan alle haka siiyo sidoo kale Aabaha qoyska iyo wiilkiisa oo hadda cisbitaal lagu dabiibaayo iyagana caafimaad deg deg ah alle ha siiyo waa dhacdo xanuun badan.

Si Kastaba, Mudooyinkan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ku soo abdanayay Dadka ku sumoobaya Cunooyinka iyo Cabitaanada ay Cabaan, Iyadoo Todobaadkii hore Qoys ay ku sumoobeen Kaluun ay Cuneen.