Animation

Qaxooti gaaraya 71qof oo ku dhintay gaari lagu qariyey, Maxaase kadib dhacay ?

no responses
Friday August 28, 2015 - 11:50 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Dowlada Austria ayaa sheegtay in saddex ruux oo lagu xirey dalka Hungary kuwaasoo loo haysto dhimashada qaxooti gaaraya 71 ruux oo meydadkooda laga dhex helay baabuur meel cidla ah loogaga tegey.

Booliska ayaa markii hore waxa ay ku sheegeen tirada meydadka laga helay baabuurka dhexdiisa inay u dhexeyso 20 illaa 50 ruux khamiistii balse dowlada Austria ayaa shaacisay maanta in tirada ay ka badan tahay 50 ruux.

Shir jara’id oo uu ku qabtay magaalada Eisenstadt ayaa Hans Peter Doskozil oo ka mid ah taliyaasha Booliska Austria waxa uu ka sheegay in meydadka la helay ay ka kooban yihiin 59 rag ah, 8 dumar ah 4 carruur ah oo uu ku jiro ilmo yar. Sarkaalkan ayaa sheegay in sababta dadkan ay u dhinteen ay tahay hawo la’aan.

Saddexda ruux ee la xiray ayaa mid kamid ah waxa uu yahay nin u dhashay dalka Bulgaria oo ah qofkii lahaa baabuurka dadka ay ku dhex dhinteen. Labada ruux ee kale ayaa mid ka mid ah waxa uu yahay Bulgarian halka kan kalana uu haysto dukuminti dalka Hungary.

Booliska ayaa rumeysan in saddexdan ruux ay horseedi karaan in la helo dadka kale ee mas’uulka ka ah dadkan qaxootiga ah inay soo galaan qaarada Yurub.

Illaa hadda lama oga dhalashada dadkan halka ay ka soo jeedo, hase ahaatee waxaa la aaminsan yahay in ay yihiin kuwo ka soo jeedo Bariga Dhexe ama qaarada Afrika.

Facebook Comments