Animation

Dowladda Qatar iyo Qaraxyad Muqdisho

no responses
Tuesday October 17, 2017 - 11:10 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Sheekh Maxamad Bin C/raxmaan wuxuu sheegay in qaraxyadii Sabtigii Muqdisho ka dhacay ujeedkoodu ahaa in looga aarsado Dawlada Soomaaliya, maadaama buu yiri Wasiirka ay khilaafka Khaliijka ka qaadatay mowqif dhexdhexaad ah. Wuxuu kaloo sheegay in la beegsaday ergada Diblomaasiyadeed ee Dawlada Qatar iyo Xafiiska Aljazeera.

Dhanka kale, Aljazeera dhankeeda waxay sheegtay in xafiiskeeda la beegsaday. Barta Twitter uu ku leeyahay Agaasimaha Aljazeera Yaasir Abuu Hilaala ayuu ku soo qoray waxaa la soo weeraray Aljazeera, mar kasta waxaan hadaf u nahay aragagexiso.

Waxaan is waydiin leh xageey fariinta Wasiirka ku socotaa. Miyuusan wax dan ah ka lahayn ama wax xanuun ahna ku haynin xasuuqa iyo gumaadka lala beegsaday Shacabka Soomaaliyeed. Mise wuxuu doonayaa In uu biyaha calwaga ah ka kaluumaysto oo uu dagaal Dawlada kale kala dhexeeya dhiiga Soomaaliyeed ku sarifto.

Wasiirka iyo Taleefishankiisa Aljazeera waxay doonayaan in ay nagu qanciyaan in aysan Alshabaab ahayn cida xasuuqa geystay, wuxuu kaloo naga gedi rabaan in loo socday Qatar iyo Xafiiska Aljazeera. Taas Waxaan ka fahmi karnaa laba arrin midkood

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

1- In la doonayo in loo ceeb asturo Alshabaab oo indhaha Shacabka iyo Caalamka laga qariyo xasuuqa ay geysteen. 2- Iyo In Dawlada laga leexiyo masuuliyada iyo la xisaabtanka Baarlamaanka iyo Shacabka.

Hadaba in fariinta Wasiirka meelmartay waxaan ka ogaan doonaa sida hogaanka haatan talada haya ee lagu xanto in ay Qatar u janjeeraan uu xaalada u wajaho. Hadii aan aragno dagaalka oo Alshabaab laga soo leexiyey loona soo duway gudaha eedana duul kale loo saariyey, ama lagu baaqi waayo midnimo iyo wadajir lagu wajaho Alshabaab, lana joojiyo hurinta khilaafka siyaasadeed fariinta Wasiirka waa hirgashay.

Hadiise aan aragno Dawlada oo dagaalka Alshabaab wajahaysa, watashi isugu yeerta hogaanka siyaasadeed ee maamul Goboleedyada, labada aqal ee Baarlamaanka iyo xoogagga kale ee siyaasadeed, abaabusha qaybaha kala duwan ee Shacabka, la timaada aragti iyo siyaasad looga faa’iidaysto Aduunka inoo soo gurmaday iyo falceliska quwadaha waawayn, hadii aan aragno hal abuur cusub oo dareenka Shacabka lagu kicinayo, laguna abaabulayo , culimadda DiintaAbwaanadda Suuugaanta, aqoonyahanka Fikirka si sare loogu qaado moraalka iyo macnawiga qaybaha kala duwane ee ciidanka Qalabka sida, markaas fariinta Wasiirka ma meel marin. Aan dhowrno maalmaha soo socda

WQ: Axmed Deeq.

 

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.