Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Arimaha Bulshada Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Somali News Top News

Qarax Xoogan oo laga maqlay magaalada Muqdisho & Warar dheeri oo kasoo baxaya

Wararka aan ka heleyno Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo dhawaqiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo ku sugnaa agagaar Baar Jowhar oo ku yaala xaafada Suuqa Xoolaha.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

Faah-faahin dhab ah lagama hayo qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay, waxaase markii dambe ciidamada ay fureen rasaas badan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

KISMAAYO24 NEWS AGENCY

ABDI KAFI ABDI ABDULLE

MUQDISHO —- SOMALIA

 

Related posts

SAWIRRO:- Madaxweynaha Hirshabeelle Oo gaaray magaalada Baydhabo.

Ahmed sudani

Daawo: Jawaari oo socdaal ku jooga dalka koonfur afrika ayaa waxa uu booqasho ku sameeyay xarunta…

Tifaftiraha K24

Ciidamada Kumaandooska DF oo Cashar u dhigay Amiiro & Dagaal-yahano Shabaab ah…

admin