Somali News

Qarax Qasaaro geystay oo lagula eegtay Ciidamada Amisom duleedka Magaalada.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa qarax lagula eegtay duleedka degmada Mahadday ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidanka oo marayay degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabelaha dhexe ayaa qaraxu haleelayey, waxaana qaraxu uu ahaa miinada dhulka la galiyo, iyadoo uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday ciidanka Burundi ee Qaybta ka aha AMISOM, waxaana ku dhintay laba askari halka mid kale uu ku dhaawac may.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen in ay iyagu ka danbeeyeen qaraxa lala eegtay ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Burundi ee Nabad ilaalinta u jooga soomaaliya.

Warbaahinta ku hadasha Af-ka Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa ay ka danbeeyeen Shabaab Khasaarana ay ku gaarsiiyeen Ciidanka AMISOM.

Inta badan waxaa dhaca qarax yada nuucan ah eel ala beegsado ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda, waxaana ka dhasha khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, masuuliyaddana waxaa sheegta Al-shabaab

Related posts

Dhageyso: Madaxdii Hore ee Somaliya Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Eedeymo culus Loo Jeediyey.

admin

Dhagayo+Sawiro:- Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Booqday Xarunta Wasaarada Waxbarashadda ee Puntland

admin

Safaarada Somaliya ee Dalka Faransiiska oo bilowday bixinta adeega Basaboorka Somaliga.

admin