Qarax Miino oo Ciidamada Lagula eegtay nta u dhaxeysa Degaanka Yurkud Iyo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

0

Qarax miino ayaa ciidamada itoobiya lagula eegtay inta u dhaxeysa Degaanka Yurkud Iyo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa waxaana ay sheegeen in 10 askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa gaarigii qaraxa lala beegsadayna uu bas beelay.

Ciidamada Itoobiyaanka ee qaraxa lala eegtay ayaa ka soo baxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku safra degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin, iyadoo xilliyada qaar ay dhacaan qaraxyada noocaan oo Shabaab ay u dhigaan ciidanka.