Animation

Qarax Khasaare kala duwan sababay oo Maanta Magaalada Marka lagula eegtay Amisom

no responses
Thursday November 5, 2015 - 5:42 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Qarax Miino oo deegaano dhowr ah laga maqlay ayaa maanta lagula eegtay ciidamada Amisom inta u dhexeysa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.hoose iyo Deegaanka Buufoow.

Qarxaaan oo ahaa miinada meelaha fog fog laga hago ayaa durba qabsatay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Amisom kaasoo dadka deegaanku sheegeen inuu gabi ahaanba bas beelay.

Wararka waxay tilmaamayaan in Gaariga bur burey ka sokow ay jirto khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada la weeraray sida ay sheegtay idaacada shabelle walow aan la heyn tiro sax ah.

Qaraxa kadib ciidamada Amisom waxay fureen rasaas aan loo aaba yeelin iyagoo u furey dhinacyada kala duwan mana la oga hadii rasaastaasi dhibaato gaarsiisay shacabka.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada ayaa goobta gaaray kuwaasoo howlgalo degdeg ah ka bilaabay goobta iyagoo baadi goobaya dadka ku lugta leh weerarkaasi.

Facebook Comments