Somali News

Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso oo warar kala duwan laga helayo.

Wararka laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi laga maqlay jugta qarax  ka dhacay meel u dhow Hotelkii hore ee Ramaada ee Magalada Boosaaso.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miino dhulka la geliyay,isla markaana lala eegtay Gari halkaasi marayay oo wararka qaar ay sheegayaan in uu lahaa wasiirkii hore ee Qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax.

Waxaa jira khasaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas,hayeeshee aan si rasmi ah loo cadeyn Karin,waxaana Goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland,kuwaas oo wada howlgallo baaritaano ah.

Related posts

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyada Muqdisho ka dhacay iyo Xaalad kacsan oo Caawo  ka taagan

Ahmed sudani

Top News: Muxuu Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Ka Yiri Qabanqaabada Aaska Ugaas Ciise Oo Cabudwaaq Ka Socota??

admin

Dhageyso: Dagmada kaxda oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 45 ruux oo barakacayaal ah kadib markii uu….

Tifaftiraha K24