Qarax ka dhacay garoon kubadda cagta lagu cayaaro oo ku yaala dagmada Baraawe

0

Qarax loo maleynaayo in lagu aasay garoon ay dhalinyarada kubadda cagta ku cayaaraan ayaa galabta waxa uu ka dhacay magaalada baraawe ee gobolka shabeellada hoose.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku nafwaayay 4 dhalinyaro ah halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen dhalinyaro intaa ka badan.

Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.

Masuuliyiinta maamulka dagmada baraawe ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa walxo lagu aasay qeybta ay dadka muhimka ah fariistaan ee garoonka lagu cayaarayay.

Weli ma jirto cid sheegatay weerarka hase yeeshee saraakiishii aan la hadalnay ayaa sheegay inay tuhunsanyihiin maleeshiyada ururka al-Shabab inay masuul ka ahaayeen weerarkaas. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa arrimahaasi ka wareystay guddoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf.